Ciidamada Eritrea oo ka baxay labo magaalo waaweyn oo katirsan gobolka Tigray

Published: December 31, 2022
Shares108

Askarta Eritrea oo ku dagaallamayey taageerada dowladda federaalka Itoobiya labadii sano ee dagaalka sokeeye ee gobolka Tigreega ayaa ka baxay labo magaalo oo waaweyn, una jihaysteen dhanka xadka, sida ay sheegeen Goobjoogayaal iyo sarkaal Itoobiyaan ah.

Ka bixista deegaanada Shire iyo Axum ayaa daba socota xabbad-joojin ay kala saxiixdeen 2-dii bishii November dowladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka Tigreega ee TPLF, kaasoo dhigayay in ciidamada shisheeye laga saaro gobolka Tigray.

Eritrea, heshiiskan qayb kama aysan aheyn, waxaana joogitaanka ciidamadeeda ee xarumaha waaweyn ee gobolka Tigreega a y keeneen su’aalo la xiriira dhaqangalka heshiiskan.

Ilaa hadda ma cadda in ciidamada Eritrea ay gabi ahaanba ka baxayaan gobolka Tigray iyo in ay dib uga gurteen magaalooyinka qaar.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in uusan xaqiijin karin ama beenin karin warkan, halka sarkaal Itoobiyaan ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo uu xaqiijiyay in ciidamada Eritrea ay ka baxayaan Axum iyo Shire.

Horseed Media