Ciidamada Faransiiska oo isaga baxaya dalka Ivory Coast

3 days ago

Madaxweynaha Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa sheegay in militariga Faransiiska ay ku wareejin doonaan gacan ku haynta saldhiga milatari ee ay ku leeyihiin caasimadda Abidjan.

Madaxweynaha Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa sheegay in ciidamada Faransiiska ay ka bixi doonaan dalkaasi Galbeedka Afrika.

Isagoo ka hadlayay dhamaadka sanadka khudbad uu u jeediyay qaranka, Ouattara wuxuu sheegay in dadka Ivory Coast ay tahay inay ku faanaan ciidamadooda hubaysan.

Faransiiska ayaa ka fiirsanayay inuu dhimo joogitaankiisa militari ee wadamada Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, oo ay ku jirto Ivory Coast, lagana dhigo 600 oo askari ilaa 2,200 hadda.

Faransiiska oo kamid ahaa gumeystayaashii ​​Galbeedka Afrika, ayaa horay askartiisa ugala baxay Mali, Burkina Faso iyo Niger, kadib afgambiyo militari oo dalalkaas ka dhacay iyo nacaybka Faransiiska oo dalalkaasi kusii faafay.

Dowladda Chad – oo ah xulafada muhiimka ah ee reer galbeedka ee dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Islaamiga ah ee gobolka – ayaa si lama filaan ah u soo afjartay heshiis iskaashi dhanka difaaca ah oo ay la gashay Faransiiska bishii November.

Horseed Media