Ciidamada Galmudug oo weerar qorsheysan ka fuliyey degaan hoos taga degmada Ceelbuur

Published: August 16, 2022
Shares2.4k

Ciidamo ka tirsan Galmudug ayaa weerar qorshaysan ku qaaday fariisin ay ku ururka al-Shabaab kaga sugnaayeen degaan katirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay laba ka mid ah maleeshiyaddii ku sugnayd deegaanka Baruujeed oo hoostaga degmada Ceelbuur.

Illaa haatan ma jiraan ilo madaxbanaan oo caddaynaya khasaaraha weerarkaas, waxaana adag in dadka deegaanka khadka telefoonka lagu helo.

Dhinaca kale masuuliyiin katirsan Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan deegaano ka tirsan Galgaduud balse faahfaahin kamay bixinin weerarkaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *