Ciidamada Ilaalada xeebaha Talyaaniga oo soo badbaadiyay ku dhawaad 750 oo tahriibayaal ah

Published: March 24, 2023

Ku dhawaad 750 tahriibayaal ah ayaa Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ku soo badbaadiyeen laba howlgal oo kala duwan oo ay sameeyeen xeebaha koonfureed ee dalkaasi, saacado kadib markii ugu yaraan shan qof oo kasoo baxay xeebaha Tunisia ay ku dhinteen 33 kalena weli lagu la’yahay.

Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in ilaa 295 qof laga soo badbaadiyay doon kalluumeysi oo lagu qabtay meel 167 km u jirta xeebta bari ee gobolka Calabria, halka qiyaastii 450 laga soo badbaadiyay markab kale oo kalluumeysi oo 185 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Syracuse ee koonfurta Sicily.

Howlaha samatabixinta muhaajiriinta ee Talyaaniga ayaa isha lagu hayay tan iyo bishii Febraayo 26-keedii kadib markii markab ku degay meel u dhow xeebta Calabria ay ku dhinteen ugu yaraan 88 qof, 10 kalena la la’yahay.

Doontan ayaa la arkayay kahor inta aysan degin balse maraakiibta Booliska ayaa ku guuldareystay in ay gaaraan, cimilo xumo awgeed.

Horseed Media