Ciidamada Israel oo gudaha u galay qeybo kamid ah Isbitaalka Al-Shifa ee Gaza

Published: November 15, 2023
Shares34

Xaalada bini’aadamnimo ee ka jirta gudaha isbitaalka ugu weyn Gaza ee al-Shifa ayaa kasii dareysa. Ciidamada Israel ay gudaha u galay xarunta Isbitaalka.

Xarunta Isbitaalka al-Shifa ayaa ah mid balaaran oo ka kooban qeybo kala duwan. Waxaana la arkayey Ciidamada & Taangiyada Israel oo gudaha u galay xayndaabka isbitaalka.

Korontada iyo Biyaha ayaa ka go’an isbitaalka maalmihii lasoo dhaafay taasi oo halis gelisay nolosha dhaawaca iyo caruurta isbitaalka lagu daaweenayo.

Isbitaalka ayey sidoo kale ku sugan yihiin kumanaan kun oo ah barakacayaasha shacabka Gaza ee guryahooda lagu burburiyey duqeynta Israel.

Israel ayaa ku doodeysa in xog ay sirdoonkooda heleen iyo waliba kuwa Mareykanka, in Xamaas xarun ku leedahay qeybo kamid ah isbitaalka. Warkan oo aan loo heyn wax cadeyn ah.

Xamaas ayaa beenisay inay wax xarun ah ku leedahay gudaha ama nawaaxiga Isbitaalka.

Ciidamada Israel ayey caado u tahay in mar walba oo ay duulaan ku qaadaan Gaza ay weeraraan isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka. Sidii dhacday, dagaaladii 2006, 2012 iyo 2014.

Duqeynta Israel ee Gaza oo weli sii socota ayey tiradda shacabka ku dhintay ay mareysaa in ka badan 11.320 qof. Dadkaasi la dilay oo ay ku jiraan 4.650 caruur ah iyo 3.130 haween ah.

Horseed Media