Ciidamada Israel oo weeraray Falastiiniyiin difaacanayey guryahooda

Published: February 19, 2022

Ciidamada Israel ayaa awood u adeegsaday boqolaal qoysas reer Falastiin ah oo banaanbax ay guryahooda ku difaacanayaan ka dhigaya Jimcihii shalay xaafada Shiikh Jarrah ee magaalada Qudus.

https://twitter.com/QudsNen/status/1494685446860902401

Xaafada Shiikh Jarrah oo saaran bariga magaalada Qudus oo ay ku badan yihiin Falastiiniyiinta ayaa waxaa weerar ku hayey kooxaha Yuhuuda xagjirka ah oo doonaya inay xoog kula wareegaan guryaha ay leeyihiin Falastiiniyiinta iyagoo gacan ka helaya ciidamada Israel.

Qorshaha Yuhuuda doonayaan inay kula wareegaan xaafada Shiikh Jarrah ayaa qeyb ka ah qorshe balaaran oo ay kooxaha Yuhuuda xagjirka ah doonayaan inay ku hantaan dhamaan dhulka ku hareeraysan masjidka Al Aqsa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *