Ciidamada Kenya oo heegan la galiyay

Published: October 20, 2019

Dowladda Kenya ayaa maanta u dabaal dageysa munaasabada 20 October oo ku beegan maalinta la xuso halgamayaashii Kenya ama geesiyadooda.

Saraakiisha amaanka Kenya ayaa soo saaray digniino la xiriira cabsi laga qabo Al Shabaab iney weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Kenya maalmaha soo socda.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sido kale lagu wadaa kumaan kun oo ruux uu kula hadlo magaalada Nairobi oo lagu qabanaayo munaasabadaasi.

Dhamaan ciidamada amaanka dalkaasi ayaa heegan la galiyay waxaana lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee magaalada ciidamo xooggan oo sugaya amniga gobalada iyo magaalooyinka dalkaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *