Ciidamada Kenya oo qabsaday deegaanka Hoosingo iyo Al Shabaab oo ka baxay Badhaadhe

Published: February 1, 2012

Ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya ayaa galabta la wareegay deegaanka Hoosingo oo ka tirsan tuulooyinka hoos yimaada degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno deegaankaasi, waxaa jiray dagaal kooban oohalkaasi ku dhexmaray ciidamada is garabsanaya iyo AL Shabaab oo horay u joogay halkaasi kuwaasi oo marki danbe isaga baxay.

Waxaa sidoo kale jira duqeymo dhinaca cirka ah oo aydiyaaradaha dagaalka Kenya u geysteen duleedka Hoosingo iyadoo ay garaaceen saldhigyo ay Al Shabaab ku lahaayeen banaanka magaalada sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Hoosingo oo diiday in aan magacooda soo xigano.

Dhanka kale warar isa soo taraya ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay ka baxeen degmada Badhaadhe kadib marki ay kusoo dhawaadeen cutubyo ka tirsan ciidamada Kenya oo ay hawada ka saacidayaan diyaaradaha miiga iyo kuwa qumaatiga u kaca.

Lama oga qasaaraha ka dhashay duqeynta iyo dagaalka ka dhacay deegaanka Hoosingo ayaa bartilmaameed u ahaa ciidamada Kenya kuwaasi oo horay laba jeer u duqeeyey, waxa ugu xumeyd duqeynti dhamadki Sibtember halkaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 15 ruux oo rayid ah.
Horseed Media