Ciidamada Kenya oo sheegtey in ay al-Shabaab ka dileen 57 qof dagaal dhacay Khamiistii

Published: March 3, 2017

War saxaafadeed ka soo baxay ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in ay dileen 57 kamid ah Malayshiyaadka al-Shabaab, kadib dagaal ka dhacay meel ku dhaw degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka ayaa dhacay subaxnimadii Khamiista ee shalay waxaana uu ka dhacay goob magaceeda lagu sheegay Subow oo 31km u jirta degmada Afmadow.

Sida lagu sheegay warka ka soo baxay Kenya dagaalka ayaa waxaa ka qayb-qaatey diyaaradaha dagaalka iyo madaafiicda goobta.

Colonel Owouth oo u hadley ciidanka dalka Kenya ee dagaalka galay ayaa sheegay in ay ku burburiyeen gawaarida tiknikada ee al-Shabaab iska lahaayeen uwaas oo gaaraya shan gaari.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay hub iyo gawaari badan sidoo kale ku baabi’iyeen weerarka.

War saxaafadeedka ka soo baxay ciidamada Kenya ayaa lagu xusay in ciidanka Kenya ay sii wadidoonaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

“Waan digtoonahay, waana sii wadeynaa dagaalka aan ku hayno argagixisada”, ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

War qoraal ah oo ka soo baxay AMISOM ayaa lagu xaqiijiyey dagaalka KDF sheegtey in lagu helay al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaan weli war ka soo saarin dagaalka Kenya sheegtey in ay uga dishey Malayshiyaad ku dhaw 60.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *