Ciidamada Kumaandooska Danab oo saldhig Ciidan laga siiyey deegaanada Hirshabeelle

Published: June 4, 2024

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta magaalada Jowhar kula kulmay wakiilo ka socday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Jowhar ka hirgelinaya xarun ay leeyihiin ciidamada Danab.

“Danab inay xarun ciidan ku yeeshaan Hirshabeelle waxa ay wax weyn ka tari doontaa dagaalka lagu dhameystirayo Khawaarijta, waxaana si rasmi ah ugu wareejiyay dhulkii ay xarunta ka dhisan lahaayeen,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle.

Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa dhowaan gaaray heshiis dhinaca tababarada ciidanka Komoondoosta Danab ah, kaas oo Soomaaliya fursad u siinaya in la balaariyo xeryaha lagu tababaro ciidanka Danab.

Horseed Media