Ciidamada Milateriga oo howlgal kula wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Baay.

Published: April 19, 2020

Ciidanka Milateriga ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay wehelinayeen kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgallo ka fuliyay deegaano hoos-taga degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Howl-galkaan ayaa ciidamada kula wareegeen deegaanada Bandhuub iyo Biilane oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ciidanka ee horkacayay howlgalka ay sheegeen in howlgaladaan ay sii socon doonaan.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalkan ujeedkiisa ahaa sidii looga hortagi lahaa culeyska Al-Shabaab soo saareen Diinsoor, iyadoo maalmihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay dileen dad watay gaari dameer oo raashiin u soo waday Diinsoor.

Degmada Diinsoor ayaa ka mid ah deegaano ka tirsan Gobolada Baay ay go’doomiyeen Al-Shabaab, waxaana raashin loo waday degmadaas iyo deegaano kale ay u galeen jidka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *