Ciidamada nabad-galyada Muqdisho oo qabtay rag ka tirsan Al-Shabaab

Published: November 17, 2019

Magaalada Muqdisho waxaa ku badan weerarrada ay geystaan dhalinyaro ka tirsan Al-Shabaab kuwaa oo bartilmaameedsada xubnaha ka tirsan dowladda iyo xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada.

Dhawaan ayeey aheyd markii laba dhalinyara ah oo Al-Shabaab ka tirsan oo hubeysnaa oo askari dilay lagu qabtay degaanka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay ay weerarka geysteen degmada Deyniile ee gobolka Banaadir,

Ragga ay ciidamada amaanku qabteen ee la soo bandhigay ayaa waxaa ka muuqday dhaawacyo sida lagu arkay muuqaalo laga soo qaaday.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ciidamada nabad-galyada uga mahad celiyay howlgallada ay ku baacsanayaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab weerarrada ka geystay gudaha magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *