Ciidamada PMPF oo jidadka Boosaaso u xirey “Xil-wareejin lagu muran san yahay”

Published: October 4, 2023

Ciidamada badda ee Puntland PMPF ee ay taageerto dowladda Imaaraadka carabta ayaa maanta kala xirey waddooyinka Boosaaso.

Ujeedka ciidankan loo isticmaaley ayaa ahayd xil wareejin maamulka Boosaaso ee lagu muran san yahay sida uu u dhacay.

Boosaaso waxay leedahay 33 Xildhibaan iyada oo aan la wada fariisin dhamaantood ama inta badan ayaa 16 ka mid ah la dhaariyey, halka guddoomiyaha iyo ku xigeenka ay soo magacaabeen guddoomiyaasha xisbiyadu.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay maamuladu hoostagaan ayaa ka hor yimid dhismaha mamaulka iyo sida loo maarey. Waxaa la diidey amarka wasiirka iyada oo la isticmaalayo ciidamada PMPF ayaana xilkii la kala wareejiyey.

Dadka falanqeeya arrinaha siyaasadda ee Puntland ayaa sheegay in dimoqraadiyaddan gawaarida tiknikada lagu ilaalinaayo isla markaana kala qaybineysa goloyaashii deegaanku ay tahay mid aan sii socon karin.

Ciidamada badda ee loo yaqaan PMPF ayaa marar kala duwan loo isticmaaley arrimo siyaasadeed, waxaana ay ka qaybgaleen iska hor imaadyo kala duwan oo ka dhacay Puntland.