Ciidamada PSF Oo Booyado Biyo ah Gaarsiiyey Baran

Published: May 29, 2022

Ciidamada Difaaca Puntland ee PSF ayaa gargaar biyo dhaamin ah ka sameeyey degmada Baran ee gobolka Sanaag, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyey laga soo sheegayey biyo-la’aan xoog leh.

Maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada Baran ayey ciidanku ku wareejiyeen seddex booyadood iyo fuustooyin shidaal, kuwaas oo sii wadi doona gargaarka biyo dhaaminta.

Dadweynaha kunool magaalada Baran oo u mahadceliyey ciidanka PSF ayaa sheegay in gurmadka iyo gargaarka biyo-dhaaminta lasoo gaarsiiyey xiligii loogu baahi badnaa.

Ciidanka Difaaca Puntland ee PSF oo gurmadkan soo wadey bilihii ugu dambeeyey ayaa horey biyo dhaamin uga sameeyey gobolada kale ee Puntland sida Bari, Karkaar iyo Haylaan, waxaana ka faa’idaystay dadweyne kala duwan oo kunool miyi iyo magaaloba.

Abaarta Soomaaliya oo noqotay tan ugu daran ee kajirta Geeska Afrika ayaa sababtay inay dad iyo duunyaba gaajo iyo macaluul u le’daan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *