Ciidamada Puntland Ee PMPF Oo Hawgal Ka Fuliyey Gobolada Sanaag Iyo Bari

Published: October 27, 2020

Ciidamada Ilaalada badda Puntland ee PMPF ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay xeebaha deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Bari iyo Sanaag.

War qoraal ah oo kasoo baxay Ciidanka PMPF ayaa lagu sheegay in sigaar ah howlgalka looga fuliyay xeebta deegaanada Warbad, Sanqalooc, Beeraha Hays, Jaanka Ceelaayo, Biyo-Cad, Wadada Habaarwaali iyo Dhagcaan.

Ciidamada Badda Puntland (PMPF), oo gudanaya waajibaadkooda waxay howlgal lagu ugaarsanayo Argagixisada ka fuliyeen deegaanada Togga Warbad ,Sanqalooc , Beeraha hays, Jaanka Ceelaayo, Biyo cad, Wadada Habaarwaali iyo Dhagcaan oo dhammaan ka tirsan dhulka xeebta teedsan ee Gobolada Bari -Sanaag.

PMPF

Maalmo kahor ayay aheyd markii Ciidamada PSF ay hawlgal ka sameeyeen xeebta Laasqoray, iyagoona kusoo qabtay doonyo iyo saxiimado dhowr ah oo laga leeyahay waddanka Yemen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *