Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ku qabtay degmada Bareeda ee gobolka Raas-casayr

Published: September 2, 2024

Ciidanka Booliska gaar ahaan qaybta gobolka Raascasayr ayaa gacanta ku dhigay rag burcad badeed ah, hubkii iyo gaadiidkii badeed oo ay wateen.

Howlgalka oo socday 24tii saac ee lasoodhaafay oo uu hogaaminayay Taliyaha Saldhiga degmaada Bareeda Xidigle Mohamed Hasan Ciise ayaa lagu sooqabtay Saxiimad ay wateen hub iyo sadex kamida Burcadbadeedii wadatay,waxaana wili socda howlgal oo iyana lagu baadigoobayo afar kale oo kamida Burcad badeeda gacanta lagu dhigay.

Ciidamada Booliska gobolka Raascasayr ayaa ku raad jooga cidkasta oo isku dayda in ay khalkhal galiso amniga deegaana Puntland si ay ugu qabtaan gacan adag.

Horseed Media