Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay nin ku hubaysan walxaha qarxa

Published: May 14, 2024

Cutubyada sida gaar ka ah u tababaran ee Ciidamada badda Puntland oo hawlgallo ka sameeyey xalay saqdii dhexe magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay sharwade ku hubaysan Walxaha Qarxa, kaasi oo ka tirsan kooxaha Argagixisada ah ee cadawga ummadda Soomaaliyeed.

Hawlgalladan qorshaysan oo ciidanku si joogta ah u fuliyo markasta waxa ay xalay ku qabteen Bambooyinka Gacanta ee sababa Qaraxyada xooggan, gaadiidkii lagu wadey iyo sharwadihii watey hubkaasi.

Wuxuu ujeedkiisu ahaa inay ku waxyeeleeyaan shacabka magaalada Boosaaso. Ciidamada Puntland ayaa maalmahan howgalo ka bilaabay magaalada Boosaaso.

Horseed Media