Muwaadinkan u dhashey Boqortooyada Sucuudiga ayaa bishii hore ka soo magaalada Adis Ababa isaga oo Jihaad doon ah
Ciidamada Difaaca Puntland oo hawlgal ka dhan ah argagixisada Daacish ka wada buuraha qalafsan ee Cal Miskaad ayaa maanta gacanta ku dhigey mid kamid ah saldhigyada waaweyn ee Daacish ay ku leedahay buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari.
Ciimada Puntland ayaa saldhiggaas ka helay dukumiinti uu lee yahay muwaadin u dhashey Boqortooyada Sucuudi Caraabiya, kaas oo lagu magacaabo Alwahshaani Mohammed Ahmed.
Muwaadinkan u dhashey Boqortooyada Sucuudiga ayaa ah 20 sano jir. Waxaa xusid mudan in uu qaatey baasaboorka dhamaadka bishii Nofeemar 2024.
Alhawshaani ayaa garoonka diyaaradaha ee Bolo International ee magaalada Adis Ababa ka soo degay 18 Diseembar 2024, sida ka muuqata baasaboorkiisa taas oo ah 27 maalmood ka hor kuna beegan xiligii Puntland isu diyaarineysey hawlgalka ka dhanka ah Daacish.
Lama yaqaan halka uu Al-Wahshaani ka soo galay deegaanada Puntland isla markaana uga gudbey buuraha nolosha qalafsan ee Cal Miskaat ee uu ku jiro hoggaamiyaha Daacish Sh. Cabdulqaadir Muumin oo loo yaqaan Abu hafs al-hashimi al-qurashi
Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland oo magaciiisa dalbadey in aan la xusin ayaa sheegay in arrintan ay la wadaagayaan Boqortooyada Sucuudiga iyaga oo u maraaya safaaradooda waxa ay ka og yihiin Alhawshaani Mohamed Ahmed.
Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo habeenkii dhamaadka sanadkii hore 2024 weerar ismiidaamin ah ay Daacish ku qaadeen Dharjaale, weerarkaas waxaa fuliyey ilaa 12 nin oo ajnebi ah oo uu kamid ahaa muwaadin u dhashey Boqortooyada Sucuudiga.
Waxaa la aaminsan yahay boqolaal ajaaniib ah in ay ku jiraan buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari Soomaaliya.
HORSEED MEDIA