Ciidamada Ruushka oo qarxiyey biyo-xireenka Nova Kakhovka ee gobolka Kherson, Ukraine

Published: June 6, 2023

Milateriga Ukraine ayaa maanta oo Salaasa ah ku eedeeyay ciidamada Ruushka inay qarxiyeen biyo xireenka Nova Kakhovka, oo ah biyo xireen weyn oo ku yaal koonfurta Ukraine.

Dowlada Ukraine ayaa ku wargalisay dadka deggan hareeraha wabiga Dnipro inay ka baxaan sababo la xiriira fatahaadda ka iman karta.

Wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS ayaa sheegtay in aanay wali jirin “khatar halis ah” oo ku imanaysa warshadda Nukliyeerka ee Zaporizhzhia oo laga yaabo inay saameyso fatahaada ka imaan karta burburka biyo xidheenka.

Falkan ayaa la rumeysan yahay in Ruushka uga hortagayo abaabulka ciidan ee dhinaca Ukraine ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan deegaanada koonfureed ee hada gacanta ugu jira Ruushka.