Ciidamada Rwanda & Mozambique oo kooxda Alshabab ka saaray magaalo muhiim ah

Published: August 9, 2021

Magaalada Mocimboa-da-Praia ee waqooyiga dalka Mozambique ayaa laga xoreeyey koox la baxday Alshabaab oo xagjir ah oo ka dilaacday waqooyiga dalkaasi Mozambique gaar ahaan gobalka Cabo-Delgado.

Kooxdan oo magacooda kasoo qaatay Alshabaabta Soomaaliya ayaa ah koox maleeshiyaad xagjir ah oo dooneysay inay qabsato waqooyiga wadanka Mozambique gaar ahaan gobalka waqooyiga ee laga soo saaro Gaaska-dabiiciga ah.

Dowlada Rwanda ayaa bishii lasoo dhaafay ciidamo gurmad ah oo ka badan kun askari u dirtay dowlada Mozambique si gacan looga siiyo xakameynta kooxdaasi Alshabaab oo xarun ka dhigatay magaalada Mocimboa-da-Praia.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *