Ciidamada Somaliland oo isaga baxay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool

Published: February 26, 2023

Ciidamada Somaliland ee kusugnaa degaanka Tukaraq ayaa gebi ahaanba isaga baxay halkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Ciidamada ayaa la sheegay inay ruqaansadeen dhinaca Laamiga isku xira GoojaCade iyo Tukaraq, kunna wajahan yihiin Agagaarka Adhi-Cadeeye.

Somaliland ayaa haddii ay si buuxda uga baxdo degaanka Tukaraq waxay ka dhigan tahay, in ay lumisay masaafadii ugu dheereyd ee ay kajoogtay Sool.

Dhanka kale, Xerada ugu weyn ciidanka Somaliland gobalka Sool ee Goojacade waxaa gudaheeda laga maqlayaa rasaas xoog leh taas oo u dhaxeysa ciidamada halkaasi ku wada sugan oo qaarkood gadood sameeyey.

Horseed Media