Ciidamada Somaliland oo xiray Xildhibaan Maxamed Abiib oo kasoo laabtay dalka dibadiisa

Published: September 2, 2024

Sirdoonka Somaliland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka qabtay Xildhibaan Maxamed Abiib, oo maanta kasoo laabtay dalka Imaaraatka Carabta, isagoo mudooyinkii u dambeeyey aad u mucaaradsanaa xukuumadda Madaxweyne Biixi, mucaaradka oo baadigoobay ayaa xabsiyada ka waayay ilaa hadda.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa jooga gobolka Awdal gaar ahaan deegaanada Baki iyo Ruqi oo ah deegaanada Xildhibaan Abiib laga doortay.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa dhawaan sheegay in uusan jabhadda SNM aaminsaneyn, oo aysan nidaam aheyn, taas oo ka careysiisay qeybaha dhexe ee Somaliland.

Horseed media