Ciidamada Soomaaliya oo markii labaad Muqdisho ku qabtay Konteenar saanad Ciidan ah

Published: May 20, 2023
Shares40

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay Saanad ciidan kuwaas oo ay sheegtay dowladda in loo waday Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in konteenarkii labaad ay ku qabteen Dekadda Muqdisho wax ka yar 72 saac.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleyso in ay dardargaliso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo hadda ka socda Gobollada dalka.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonak Qaranak NISA ayaa May 18, 2023-ka Dekadda Muqdisho ku qabtay Konteenar la sheegay in loo waday dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaas oo ku jiray saanad Ciidan.

Horseed Media