Ciidamada xogga dalka oo la wareegay degaanno katirsan gobolka Galgaduud

Published: March 29, 2023

Ciidamada Danab iyo Gorgor ee xogga dalka Soomaaliyeed ayaa Al-shabaab kala wareegay degaanno katirsan gobolka Galgaduud.

Deegaanadan ayaa kala ah Baraag Sheekh Caamir, Tixle, Ceel Cali Axmed iyo Cali Heelle oo ka wada tirsan Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha hogaaminayay Ciidankan Al-shabaab ka qabsan deegaanadan ayaa sheegay in Howlagalladaan la sii wadi doonaan.

Deegaanadan ay la wareegeen Ciidanka xoogga ayaa qeyb ka ah wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas ay ku dhaawaaqeyn Madaxda ugu sarreyso dalka.

Horseed Media