Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada degaanno katirsan gobolka Hiiraan

Published: April 8, 2023

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada degaanno dhaca galbeedka magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Buuloburde Xasan Maxamed Cabdi, Xildhibaan Cabdiladiif Maxamuud iyo Korneyl Cabdinaasir Sheekh Cali ayaa ka mid ah saraakiisha iyo masuu’liyiinta hoggaamineysa howlgalkaas.

Ciidanka ayaa gaaray deegaanada Dhagaxyaale , Kiligubadle, Xarar iyo Boocaale oo Khawaarijtii ku dhuumaaleysa jirtay ay isaga carareen.

Dhanka kale ciidanka waa ay burburiyeen fariisimo iyo godad ay Al-shabaab ka qodatay deegaannadaas dhaca galbeedka magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Horseed Media