Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyey Shabeelaha hoose

Published: August 17, 2022
Share1.2k

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan ka fuliyey Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan Tuulada Kili-Jiido oo hoostagta degaanka Jannaale.

Muddo kooban oo uu halkaasi dagaal ka socday ayay Ciidamada ku dileen ku dhawaad 10 kamid ah Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa la xaqiijiyay in laga dhaawacay ku dhowaad dhowr iyo toban kale.

Sidoo kale Ciidanka xoogga ayaa Gacanta ku soo dhigay Saanad Ciidan, iyaga oo burrburiyay dhamaanba goobihii ay sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa xusay in guud ahaan dalka oo dhan uu ka socdo howlgalo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, Isla marlaana ay sii socon doonaan ilaa iyo inta laga saarayo meelaha ay kaga suganyahiin dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *