Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay magaalada Ceeldheer

Published: January 17, 2023
Shares10

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay si buuxda ula wareegay degmadda Ceeldheer ee gobalka Galgaduud oo muddo ka badan 10 sano gacanta ugu jirtay Al-shabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qabashada Ceeldheer, isagoo sheegay in aanay jirin wax dagaal ah oo ka dhacay Ceeldheer.

Ceeldheer ayaa ah magaalo taariikhi ah waxayna xuduud la leedahay degmadda Xarar dheere ee gobolka Mudug ah, halkaas oo shalay laga xoreeyay Al-shabaab oo 15 sano ah haysatay.

Xoraynta Ceeldheer waxay qeyb ka tahay howlgallada ka socda gobolada dhexe ee dalka, kuwaas oo deegaano badan lagu xoreeyay.

Horseed Media