Ciidamada Xoogga Dalka oo Sheegay inay Dileen Xubno Ajaaniib ah oo ka tirsan Alshabaab

Published: March 3, 2024

Ciidanka Kumaandooska Danab iyo daraawiishta Jubbaland ayaa Howgallo lagu baacsanayo khawaarijta maalintii 3-aad kawada socda Gobolka Jubbada Hoose ee Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Howgalladan ayaa waxay ka socdaan tuulooyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka, iyo degaanno kale, iyadoo lagu dilay horjoogeyaal iyo maleyshiyaad badan halka qaar kale nolosha lagu qabtay.

Ciidamada ayaa khawaarijta ugu galay godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen ee deegaannadaas, waxaana looga dilay 35 Horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaabib, sida warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha Howgallada qeybta ka ah.

Horjoogeyaasha la dilay waxaa ku jira Jaabir oo dhalashadiisu tahay Kenyaan, horjoogihii sirdoonka Khawaarijta Saadiq iyo horjoogihii qaraxyada uqaabilsanaa oo lagu magacaabo Cabdiqani ayaa dhammaantood lagu dilay howlgalka sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka.

Howgalladan oo wali socda ayaa ilaa hadda lagu nolasha lagu soo qabtay 7 dhagar qabe oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaas oo dhibaato ku hayay dadka deegaannadaas ku dhaqan.

Horseed Media