Ciidamo hubeysan oo la wareegay xarunta madaxtooyada ee magaalada Khartuum

Published: April 15, 2023
Shares96

Ciidanka Birmadka ee dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen xaruuntii madaxtooyada iyo garoonkii diyaaradaha ee magaalada Khartuum.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan waxana socota is rasaasaynta u dhaxeysa labada dhinac.

Garoonka diyaaradaha iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee magaalada ayaa is taagey, iyada oo xiisaddani ku soo aadeyso xilli uu sii xoogaysanayo khilaaf u dhexeeya Golaha-sare ee ka arrimiya Suudaan.

Suudaan ayaa xaaladeedu allow sahal ahayd tan iyo markii xukunka laga tuurey xukuumaddii Millateriga ahayd ee Cumar Al-Bashiir.

Horseed Media