Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo usoo ruuqaansaday dhinaca gobolada Bay iyo Bakool

Published: February 19, 2012

Ciidamo badan oo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira ayaa lagu soo waramayaa inay ka ruuqaansadeen degmada Doowlow ee gobolka Gedo, iyaga oo kusii jeeda deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool.

Ciidamadan oo ah kuwo aad u tira badan kuna qalabaysan gaadiidka iyo dabaabadaha dagaalka ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn deegaanada ay sida gaarka ah ugu wajahan yihiin, waxayna fariisin ciidan ka samaysteen Bohol-Bashiir oo ku taal meesha ay labada gobol ee Bay iyo Gedo ka qaybsamaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in habeen nimadii xalay ciidamada is garabsanaya ee DKG ah iyo kuwa Itoobiya ay la kulmeen iskacaabin aan xooganeyn oo uga timid kooxo mileeshiyada Al-shabaab ka tirsan oo jidka u galay inkasta oo aysan jirin cid xaqiijin karta khasaaraha labada dhinac kala gaarey.

Dhanka kale waxaa dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog leh laga dareemayaa magaalooyinka waaweyn ee Bay iyo Bakool oo ah labo gobol oo ay Shabaabku ku xoogan yihiin, saraakiil Shabaabka ka tirsan oo Saxaafadda la hadlayna waxay sheegeen inay ka warqabaan ciidamada kusoo wajahan ayna u diyaar garoobayaan sidii ay isaga caabin lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada huwanta ee Itoobiya iyo kuwa DKG ah oo horay shabaabka deegaano badan uga qabsaday ayaan la saadaalin karin waxa ay kala kulmi doonaan duullaan ay xiligan ku qaadaan magaalooyinka Baydhabo iyoCeel-berde oo xudun u ah dhaq dhaqaaqyada ciidan ee xoogaga Al-shabaab.

Horseed Media