Ciidamo ka tirsan Booliska DFS oo dalka Jabuuti tababar loogu soo xiray.

Published: December 5, 2019
Taliyaha Ciidamada Booliska DFS

Generaal Cabdi Xasan Xijaar  Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa magaalada Jabuuti ee Caasimada dalka Jabuuti tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya,Saraakiil ka tirsan Booliska dalka Talyaaniga iyo Jabuuti ayaa tababarkaan bixinaayay,iyadoo mudada saddexda bilood ah ay ciidamada Soomaaliyeed ku soo korosadeen aqoontii u dambeysay ee booliska caalamka.

Qudbad uu u jeediyay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Xijaar ciidamadan ayuu kula dardaarmay in ay cashirada ay barteen mudadii ay tababarka jireen uga faa’iideeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed, Ciidamadaan ayaa tababarka ku jiray mudo dhan 3 bilood.


Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *