Ciidamo uu watay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo la wareegay xarumihii maamulka Dawlada.

Published: April 16, 2020

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan dhawaan loosoo magacaabay iyo ciidamo uu watay ayaa si nabad-gelyo ah kula wareegay dhamaan xarumihii maamulka Gobolka uu ku shaqayn jiray, halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo daacad u ahaa Guddoomiyihii xilka laga qaaday Cali Maxamed Caraale.

Sida warbaahinta gudaha ay baahisay Ciidamada uu watay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa qorshahooda ahaa inay howlgal kula wareegaan xarumaha, waxaana la sheegay in Ciidamadii taabacsanaa Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan ay is dhiibeen, iyagoo u wareegay dhanka Guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana taasi ay keentay in todobaadyo magaalada Beledweyne ay gasho xiisad u dhaxeysay Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyihii hore.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *