Ciidanka Amaanka Puntland ee PSF oo qabtay rag ka tirsan kooxda Daacish

Published: June 8, 2024

Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo Ajaanib ah oo Daacish ka tirsan, kuwaasi oo ay sheegeen inay ka bad baden duqeynta uu Mareykanka ka geystay Waqooyi Bari Soomaaliya todobaadkii hore.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay PSF, raggan oo lagu kala magacaabo Imraan Maxamed Calawi iyo Mabruuk Nassor Saidi ayaa u dhashay dalka Tanzania. Ciidamada ayaa raggan ka soo qabtay meel 30 KM u jirta halka uu qaraxa ka dhacay, kadib markii ay heleen xog iyo dabagal ay sameeyeen ciidamada PSF.

Weerar cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa lagu dilay saddex dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish oo ka dhacay deegaan fog oo u dhow deegaanka Dhaardaar oo qiyaastii 81 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso, todobaadkii hore.

Horseed Media