Ciidanka AMISOM oo deeq gaarsiiyey qaar ka mid ah barakacyaasha Muqdisho

Published: February 7, 2021

Ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM ayaa agab loogu talo galay ka hortaga xanuunka Karoona iyo nadaafada ugu deeqay qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ee ku nool xeryaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Ciidanka oo xusayay sanad guuradii 40-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka qaranka Uganda ayaa sidoo kale qeyb ka qaatay nadiifinta qeybo ka mid ah degmada Xamar jajab iyaga oo kaashanaya dadka deegaanka iyo maamulka degmada.

Col. John Winston Mugarura oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Uganda ee AMISOM ayaa sheegay in qalabka ay dadka barakacayaasha u qeybiyeen uu ka caawin doono ka hortaga xanuunka COVID -19.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Maxamed Cabdi Maxamed ayaa ugu mahadceliyay ciidanka Uganda deeqda, isagoo sheegay in ay wax badan u tari doonto dadka barakacayaasha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *