Ciidanka Booliska ee gobolka Bari gacanta ku dhigay gaari waday lacago been abuur ah

Published: March 30, 2023

Ciidanka Booliska ee gobolka Bari ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka sameeeen Magaalada Bosaso ku soo qabtay gaari waday lacago been abuur ah. 

Warbixin ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska ay Boosaaso ku qabteen gaari waday lacago yuuro madow ah iyo shakhsigii watay. 

Sidoo kale waxaa warka lagu sheegay in gaariga oo ka yimid degmada Xaafuun gacanta lagu dhigay xilli uu soo galayay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Ciidamada Booliska ayaanan sheegin tirada lacagtan been abuurka ah ee ay gacanta ku soo dhigeen.

Horseed Media