Ciidanka Booliska Puntland Oo Qabtay Qoys Suuriyaan ah Oo Dahab Soo Dhacay

Published: December 28, 2023

Taliyaha Saldhiga degmada Qardho Ayaanle Cabdi Maxamed ayaa gacanta ku dhigay eedeysanayaal baxsad ah oo u dhashey dalka Suuriya kuwaas oo lagu eedaynayo inay dahab kasoo dhaceen magaaloyinka Muqdisho, Garoowe iyo Qardho.

Eedaysanayaashaa oo ah hal qoys ah ayaa Qardho lagu hayay 2dii maalmood ee lasoo dhaafay, waxayna magacayadoodu kala yihiin.

Eedaysanaha 1: Abdikarin Axmed Almuhamed

Eedaysanaha 2: Jamiila Qasi Yuusuf

Eedaysanaha 3: Abdalla Abdikariim Axmed

Eedaysanaha 4: Malay Abdikarim Ahmed

Ciidanka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar iyo CID ayaa sheegay inay dhawaan soo bandhigayaaan baaritaanadii lagu sameeyay eedaysanahayaasha waxaana la horgeyn doona cadaalada haddii eebbe idmo sida taliyaha Saldhiga Qardho Ayaanle Cabdi uu sheegay.

Horseed Media