Saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen Jubaland oo la burburiyey

Published: July 28, 2022

Ciidamada kumaandooska DANAB iyo Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa howlgal wada jir ah ka fuliyey tuulada Kaamjaroon iyo deeganada hoostaga oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan oo si wadajir ahna ay u fuliyeen ciidamadu ayaa lagu burburiyey dhamaan saldhigyadii ay aaggaas ka deganaayeen Alshabaab iyo goobihii ay dadka ku xirijireen ee tuulada Kaamjaroon iyo deegaanada hoos taga sida Kaliil, Dhalajo, Reebaay iyo Yaaqxaluul.

Sidoo kale Ciidanka ayaa ku guuleystey sii daynta maxaabiis ku xirnaa xabsiga tuulada kaamjaroon oo ay sheegeen in Alshabaab ay dadka ku xir jireen waxayna ciidamadu sheegeen in gabi ahaanba ay deegaankaasi gacanta ku dhigeen.

Saraakiil katirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland ee howlgalka qeybta ka ahaa ayaa Warbaahinta u sheegay inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa inta degaannada Jubbaland laga saarayo Xubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *