Ciidanka Danab oo weerar ku diley malayshiyaad badan oo al-Shabaab ka tirsan

Published: October 24, 2024

Howlgal culus oo ay fuliyeen ciidamada Danab ayaa a dhacay meel ku dhaw Ceeldheer gobolka Galgaduud halkaas oo ay ku sugnaayeen malayshiyaadka argagixisada al-Shabaab, weerarkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay al-Shabaab.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 12 qof oo al-Shabaab ka tirsanaa, laguna dhaawacay 22 kale oo kuu dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah.

“Ciidanka kumaandooska Danab ee XDS ayaa howgal Qorshaysan ku diley 12 toban dagaalame oo katirsan khawaarijta halka 22 xubnood oo kale lagu dhaawacay howlgal ciidanka ay kasameeyeen dhulka howdka ee ku xeeran Deegaanka Geerile ee hoostaga dagmada Ceeldheer ee katirsan bariga gobalka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in xubnaha la laayay ay ahaayeen kuwa firxad ah oo ay ku daba jireen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Ciidamada Danab ayaa baacsadey firxadka haraadiga maleeshiyada Argagixisada ee ku dhuumaaleysana dhulka howdka ee ka tirsan gobalka Galgaduud” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa hoos u dhacay hawlgalkii Madaxweyne Xassan Sheekh hoggaaminaayey ee dalka looga cirib tiriyaayey al-Shabaab.

HORSEED MEDIA