Ciidamada Puntland oo si rasmi ah u bilaabay hawlgalka la dagaalanka argagixisada ayaa isku baahiyey goobaha ay ku jiraan kooxahaasi.
Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee deegaanada Puntland ayaa hawlgalo culus ka sameeyay deegaanka Xamure ee gobolka Bari.
Howlgalkan oo ahaa mid saf mar ah ayey ciidanku ku gaareen deegaanada ku teedsan gobalka bari, kooxda khawaarijta ah ee daacish ayaana deegaanadaa ka geysta dhaca Iyo baada dadka shacabka ah.
Dhanka kale Saraakiisha hogaaminaya hawlgalka ayaa kulamo wacyigelin ah oo ku saabsan wadashaqeynta Ciidanka iyo Shacabka la yeeshay dadka deegaannadaas, waxayna la wadaageen digniina ah ka hortaga fikirada guracan ee argagixisada iyo iney ka dheeraadaan wada shaqeyntooda.
Horseed Media