Ciidanka Dowlada oo howlgal ka fuliyey gobolka Shabeelada Hoose

Published: March 3, 2022

Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 64aad, guutada 7aad ee qeybta 60aad ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyey tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa waxaa Hoggaaminayey Abaanduullaha Ururka 64aad ee XDS Maxamuud Saleebaan, waxa uuna sheegay in u jeedka Howlgalka uu ahaa ka hortaga dhaq dhaqaaqa Maleyshiyada Al-shabaab oo gobalkaasi ku xoogan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *