Ciidanka dowladda Soomaaliya oo la qorsheenayo in la tayeeyo

Published: January 3, 2017

Ciidamo dowladda Soomaaliya ayaa la qorsheenayaa sanadkan cusub ee 2017 in la tayeeyo si ay u hantaan ammaanka dalka, madaama inta badan gobolada dalka ay ka how galaan ciidamo AMISOM

Taliyaha guud ee ciidamada Uganda Katumba Wamala oo Muqdisho soo gaaray ayaa sheegay in loo bahaan yahay in la teeyeeyo ciidanka dowladda Soomaaliya.

Katumba Wamala ayaa hadalkaasi ka yiri xili uu kulamo kale duwan la qaadanayey saraakiisha ciidamadda AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Waxa uu intaasi ku daray Katumba Wamala in waqtigan muhiim ay tahay qalabeynta ciidamada xooga dalka, si ay amaanka dalka ugala wareegaan howl galka AMISOM

Dhanka kale Mr Wamala ayaa kulan gaar ah la qaatay wakiilka guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana kaga mahad celiyay dadaalka Qaramada Midoobay ku ku bixinayso howl galka AMISOM ee Soomaaliya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *