Ciidamada Soomaaliya oo weerar ku qaaday Madaraso Waxbarasho oo Al-Shabaab carruur wax ku barayeen

Published: January 19, 2018

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamo Mareykan ah ayaa la sheegaya in ay weerar ku qaadeen iskuul ururka Al-Shabaab uu ku tababari jiray caruurta. Howl galkaasi ayaa ka dhacay tuulada lagu magacaabo Jameeca Jillay oo u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar, isla markaana magaalada Jowhar u jitrta 50KM

Ciidamada oo watay gaadiidka gaashaaman ayaa waxaa cirka ka taageerayey diyaarado kuwa qumaatica u kaca, iyadoo ay ciidanka ku soo bad-baadiyey howl galkaasi in ka badan 30 caruur ah.

Dadka deeggaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 10 qof oo 4 ay carruur yihiin ay ku dhinteen howl galka. Ciidamada howl galka fuliyay ayaa waxay horay u kaxeysteen carruurtii wax lagu bari jiray Madarasada, sida dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegeen.

Xaalada deegaanka Jameeco Jiliyaale ayaa degan, waxaana la sheegayaa in ciidankii howl galka fuliyey ay isaga baxeen deegaanka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *