Ciidanka Haramcad oo lagu wareejinayo amniga Guriceel

Published: November 4, 2019

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad u daadgureysay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ciidamada ka baxay Muqdisho ee ay diyaaradda qaadday ayaa lagu wadaa in la geeyo magaalada Guriceel oo ay ciidamada dowladda habeen hore kala wareegeen Ahlu Sunna Waljamaaca.

Diyaaradda ciidamada saaka ka qaaday Muqdisho ayaa waxaa ay ku dejineysaa Magaalada Dhuusareeb halkaas oo kaddibna ay dowladdu geyn doonto magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shalay la wareegay saldhigga Booliska Guriceel, waxaana durba loo magacaabay Taliye cusub oo hoggaaminayo Ciidankaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa habeen hore Bulshada Guriceel kula hadlay Magaalada waxaana uu ku boorriyay in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.

Maamulkjii Ahlu Sunna ee maamulayay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa sheegay in dowladdu ay sameysay wax aysan ka fileyn iyaguna aysan diyaar u ahayn in ay xabad ridaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr diyaaradood oo ciidamada Haramcad ka tirsan geysay Magaalada DHuusamareeb halkaas oo ay hadda amnigeeda gacanta ku hayaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *