Ciidanka Jubbaland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay deegaanka Beerxaani

Published: February 21, 2017

Wararka ka imaanaya deegaanka Beerxaani ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in deegaankaasi uu dagaal xoogan ku dhexmaray ciidanka Jubbaland oo garab ka helaya ciidanka Kenya oo qeyb ka ah howl galka AMISOM iyo maleeshiyada Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ay weerar ku qaadeen deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 50km dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo.

Deegaanka Beerxaani bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa gacanta ku hayey ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kale, iyadoo uu socda ku dhawaad laba saac.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka,

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *