Ciidanka Koofur-Galbeed oo sheegay in ay qabteen maleeshiyaad ka tirsan Shabaab

Published: January 17, 2018

Magaalada Baydhabo wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Maamulka Koofur-Galbeed iyo ciidanka Xoogga dalka ay nolosha ku qabteen Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka lagu magcaabo Manaas.

Ciidamada Koofur-Galbeed iyo Ciidanka xoogga dalka ayaa howl gal ka sameeyey deegaanka Manaas oo qiyaastii 45KM u jira Magaalada Baydhabo,howl galkaasi oo lagu soo qabtay ilaa shan dagaalame iyo mootooyin ay adeegsanayeen sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed-Soomaaliya

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in ciidamada Koofur-Galbeed iyo kuwa xoogga dalka ay wadaan howl gallo ka dhan ah Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Koofur-Galbeed.

Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa shalay weeraray deegaanka Goof gaduud iyo Daynuunay oo muddo kooban la wareegeen gacan ku heynteeda.

Ciidanka Koofur-Galbeed iyo kuwa Xooga dalka ayaa ka wada dhaq dhaqaaqyo ciidan goobaha ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab gobolada Bay iyo Bakool.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *