Ciidanka Liyuu Boolis oo hawlgalo ka dhan ah Al Shabaab ka wada Gobolka Afdheer

Published: July 22, 2022
Dagaalka Liyuu boolis iyo Al shabaab

Ciidanka Liyuu Boolis ayaa Gobolka Afdheer ka wada hawlgalo ka dhan ah maleeshiyadii Al Shabaab ee maalin ka hor weeraray xeryaha ay ciidankaasi ku leeyihiin deegaano dhaca xuduudda.

Saraakiisha Ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa laga soo xigtay in hawlgaladu ka socdaan deegaano hoostagga Degmada Hargelle.

Wararka ayaa sheegaya in in maleeshiyada Al Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka lagu hareereeyay deegaanka Hulul oo hoostagga Hargelle, kuwaa oo iska caabin sameynaya, tan iyo shalay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ku dhaqan deegaanadaasi qaarkood ay bilaabeen in ay guryahooda isaga barakacaan, iyagoo markaasi ka baxsanaya dagaalka.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weeraradii Shabaabku ku qaadeen xeryihii Ciidanka Liyuu Boolis ee aagga Yeed iyo Caato, balse Sarkaal aan magaciisa la sheegin ayaa Reuters u sheegay in Ciidanka Liyuu Boolis dagaalka looga dilay 17 askari, waxa kaloo uu sheegay inuu arkay meydadka tobanaan ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.

Waa markii ugu horreysay oo dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab lagu arko gudaha Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *