Ciidanka NISA oo howlgal ku soo qabtay dhalinyaro dhac u geysan jiray shacabka Muqdisho

Published: July 5, 2022

Ciidanka Gaarka ah ee NISA ayaa howlgalo ka sameeyay degmooyinka Howlwadaag, Wartanabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgaladaan ayaa ka dambeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka, kuwaasi oo ka cabanayay Tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.

Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay Tuugada dhaca u gaystay, ayaa u sheegay in ciidamadu howlgalo ay wadaan sidoo kalana gacanta lagu soo dhigi doono qof kasta oo qal-qal galisa amniga magaalada.

Intii lagu jiray Howlgalka, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, waxaana ciidamadu ay u gudbiyeen Booliska si baaritaano loogu sameeyo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *