Ciidanka oo Howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Baay

Published: December 4, 2023

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Howlgal qorsheysan fuliyay deegaannada Adeegoow, Garaar, Warta Doolar, iyo Weeley, oo katirsan gobolka Baay.

Taliyaha Ururka 46-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Xds X/le Xasan Aadan Maxamed (Xasan Taar)  ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka ay ku bur-buriyeen xarunta diiwaangelinta khawaarijta iyo goob ay lacago baad ah kaga qaadi jireen Shacabka ku dhaqan gobolka Baay.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa saaxiibada caalamiga ayaa howgallo ballaaran kawada gobollada dalka ee ay khawaarijtu ku dhuumaalsanayaan, Kuwaas oo lagu dilay Khawaarij badan.