Ciidanka PSF oo Howlgal Amni ka Sameeyay Bosaso

Published: September 17, 2024
Ciidamada PSF oo Caawa howlgal ka samaynaya Xaafadaha Magaalada.

Ciidamada Xooga Puntland ee PSF ayaa caawa magaalada Boosaaso ka sameeystay baro kontorool oo lagu sugayo amniga magaalada, waxaa kaloo ay howlgalo ka sameeyeen xaafadaha magaalada qaarkood.

Muuqaal ay ku baahiyeen bartooda facebooga ayaa muujinayaa baabuurta qoryuhu ku rakiban yihiin iyo ciidamo ku dhex lugaynaya xaafadaha magaaladda Boosaaso.

Howlgalkan ayaa imaanaya kadib maalintii shalay uu telefishanka dowladda Puntland ee Puntland TV uu baahiyay ciidamo dowladu sheegtay inay kaa soo goosteen PSF kuwsoo uu waraysanayay mid ka mid ah dhalinyarada caanka ka ah baraha bulshada.

Toddobaadkii hore, ciidamada PSF waxay soo saareen qoraal ay ku sheegeen in laga hor istaagay in askar dhaawac ah oo ka tirsan ciidamadooda laga hor istaagay inay laga dhoofiyo garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxay kaloo sheegeen in garoonku noqday mid milateri iyagoo ugu baaqay shacabka degan xaafadaha u dhow inay ka fogadaan.

HORSEEDMEDIA