Ciidanka Xooga Dalka oo qabtey gaari bom sidey

Published: April 6, 2022

Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa maanta qabtey gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo laba qof oo watey gaariga. Gaariga ayaa lagu qabtey degmada Guriceel.

Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in howlgal uu hoggaaminayey Taliyaha ururka 72-aad guutada 15-aad ee qeybta 21-aad, Gashaanle Axmad Daahir Cabdulle lagu soo qabtay gaari noociisa lagu sheegay Probox oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Gaarigaas iyo laba nin oo wadatay ayaa loo dhaadhiciyey xabsiga degmada Guriceel, waxaana socda baaritaano iyo dabagal lagu ogaanayo bartilmaameedkii kooxdaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *